Su’aal: Ilaah ma Jiraa? Jiritaankiisa maxaa lagu caddeyn karaa?

Jawaab:

Jiritaanka ilaahey lama caddeyn karo lamana dafiri karo – Baybalku wuxuu noo sheegayaa: waa inaan oggolaanaa, iimaan ahaan xaqiiqada ah inuu ilaah jiro, iimaan la’anna ilaahey lema raali gelin karo sababta oo ah qofka isaga u yimaadaa waa inuu ogolaaadaa inuu jiro oo uu ogaada lnuu u abaalgudayo qofkii si niyad leh uu soo raadiyo” (Hebrew ll:6). Hadduu ilaahey rabi lahaa intuu ismuujiyo ayuu dunida oo dhan uga marag kici lehaa jiritaankiisa. Hadduu sidaa yeeli lahaa aaminiaad looma baahdeen. “ciise wuxuu u sheegay “waxaad ii rumeysay maxaa yeelay waad i arragtey, waxaa barakeysan kuwa ayagoon i arag i rumeeyeyaan ” (John 20:29).


Hase yeeshee taas macneheedu maaha ilaahey jiritaankiisu caddeyn uma baahna. Baybalku wuxuu yidaahdaa “samadu waxey ku dhaawaaqda “ cadamada/sarreynta ilaahey. Cirku wuxuu sheegaa farsamada Gacmihiisa Maalinba Maalinta ka dambeysana saas beey uga hadlaan. Habeenba habeenka ku xigana aqoon ayey muuj’yaan. Ma jiro hadal ama luqad aan codkooda lagu maqlin. Codkoodu dhulkoo dhan ayuu wada gaaraa, ereyadooduna cidhifyada/geesaha dunidoo dhan ayuu gaaraa” (psalm (19:1-4). Xiddigaha haddaad eegtid waxaad garan/ fahmi balaadka koonka adduunka oo dhan, adoo daawanaya cajaa’ibka dabiiciga ah, ood fiirsatid quruxda cadceedu markey dhaceyso – waxyaabahaas oo dhan waxey tilmaameyaan jiritaanka ilaahey wax abuura, waxyaalahaas oo dhan’ haddeyna kugu fileyn, caddeyn kale ayaa qalbigenna ku dhex Jira. “Ecclesiastes 3:11 “ wuxuu noo sheegayaa inuu yaqiin abida qalbiga bani admiga ku dhex abuury.”


Qalbgeena gudihiisa waxynu dareemeynaa in nolosha addunkan nolol ka damleysa iyo qof kale oo ka baxsan adduukan iney Jiraan. Caqli ahaan waan dafiri karnaa cilmigaan. laakinse jiritaankiisu innaga iyo hareeraheennaba oo waa wax aad uga muuqda. Iyadoo sidaas ah baybaLku wuxuu nooga digeyaa iney jiri karaan dadka qaarkiis oo dafirsan jiritaankiisa “Doqon wuxuu qalbigiisa ka yiraahaa ilaah ma jiro” (psalm 14:1) madaama badankood ummadihii taariikhihii soo jiray, dhaqamadii,iyo xaddaarooyinkii, ee qaarad kasta ay wada aaminsanaayeen jiritaanka ilaah. Waaa iney jiraan wax/ ama qof sababaya oo caddeynayaa caqiiddada jiritaanka ilaahey. Waxaa kaloo doodda baybalka wehilya dood caqli gal ah.


Kow- dooddan waxa loo yaqaan “ Doodda ontiologlcal”. Qaabka ugu caansan doodda magacaas lehi waxey adeegsaneeysaa fikirka ah waa inuu alle caddeyaa jiritaanka alle. Waxayna ku bilaabaneysaa in” alle yahay axad wax ka weyn/sarreeyaa eysan jirin” marka in la jiraa waxay ka sarreysaa inaan la jirin., sidaas darteed waxa ugu weyn oo la aqbali karaa waa iney jiraan, haduusan ilaah jirin, marka ilaah ma noqon karo waxa/axad u sarreya/weyn oo la aqbali karo, taasina waxay burineysaa kana hor imaneysaa sifaha ilaahey. Doodda labaad waa waxa loo yaqaan, doodda Teleological. fikar kani wuxuu leeyahay, mar hadii koonku soo bandhigayo/ka muuqato farsamooyin cajiib ah, waa inay jirtaa awood ka dambeysa. Tusaale, xitaa haduu dhulku dhawr boqol oo mile u dhowaan lahaa ama ka fogaan laha qorraxda, maanu awoodi kari lahyn dhulku inuu taageero/ku noolaadaan nafleyda hadda ku nool, hadii hawadayada ay wax yar ka geddisnaan lahayd sida ay hadda tahay inta badan nafleeydu wey dhiman lahayd, suurto galnimada in 1 qeyb oo nuxurka/protein uu sameysmaa waa 1 10243kiiba (waa 10 lagu taxay 243 eberro ah) hal seel wuxuu ka kooban yahay malaayiin qeybood oo nuxur/ Protein ah. doodda saddexaad oo caqli galka ah ee jiritaanka llaahey waxaa loo yaqaan kosmolojikal: Dhacda welba waaa oo dhan waa dhacdo/natijo. waa iney jiraan wixii jiritaankooda keeney. Kaasuna “ilaahay” umbuu noqon karaa.


Dooda afraad waa midda damiirka/akhlaaqda. Dhaqmadii Taariikhihii hore ee la soo dhaafay waxay la haayeen hab, xeerar iyo sharciyo, qof kasta wuxuu lahaa dareen sax iyo qalad ah. Dilka, beenta, xatooyo iyo dhaqan/damiir xumada waa lawada diiday dunidoo dhan. Xaggeebu dareenkan saxda iyo qaladka ahi ka iman karaa oon ahayn ilaah kariim ah.


Iyadoo intaas oo dhan jirto ayuu baybalku noo sheegayaa iney dad diidayaan aqoonta cad oon la dafiri karn oo alle oo ay beddelkeedi been rumeynayaan. Romans 1:25, wuxuu leeyahay; “ waxay ku baddesheen runtii ilaahay been, waxeyna caabudeen, una adeegeen wax la abuuray oon ahayn abuure”- waana mid weligiis la ammano, Amiin.


Baybalku wuxuu kaloo caddeynayaa iney daku yihiin kuwo aan sabab u heysan rumeyn la’aantooda ilaahay, maadaama abuuridda ilaahay ee aduunku ay tahay qiimi aan qarsooneyn. Awoodiisa iyo jiritaankiisa waa wax la arkay, sidaas darteed dadku waa cududaar la’aan (romans 1:20).


Waxey dad ku anaddacoodaan iney u diidaan jiritaanka alle, maxaa yeelay kuma dhisnna cilmi, ama caddeyni ma jirto, sababta runta ah waa markey rumeeyaan jiritaanka alle, waxay ogyihiin inuu la xisaabtamayo oo ay ka cafis dalbaan (Romans 3:23, 6:23) haduu ilaah jiro, marka asagaa nagala xisaabtamaya camalkayaga. Haduusan ilaahn jirin, waxaan doonaan sameyn karnaa annagoon ka welwel qabin ilaah na xukumaya, waana sababtaas tan ugu weyn oo ay kuwa dafirsan jiritaanka alle ay aad ugu dheggan yihiin firka ah in wax kasta jiritaan dabiici ah yihiin, waxay sidaasi siineysaa qaab kale oo alle rumeyn ah. Ilaah wuu jiraa, aakhiritaankana qof kastaa wuu ogyahay inuu jiro. Xaqqiqada ah in qaar aad isugu dayayaan iney caddeeyaan inuusan jirin, runtii waa sugid jiritaankiisa.


Sidee baan u ogaan karnaa inuu ilaah jiro? haddaaan nahey masixiyiin waan ognahay inuu jiro, maxaa yeelay malin welba waan la hadalnaa, ma maqalnno asagoo nala hadlaya hadalkiisa, Laakinse inu nala joogo ayaan dareemeyna, Hogaanikiisa ayaan aragnaa, waan ognahay jeceylkiisa. raxmaddiisana waan barinaa. Nolosheenna waxyaalo badan oo wax kale oo loo tiirini karaa aysan jirin ayaa dhaca oon ilaahay ka ahayn. Ilaahey siyaabo cajiiba buu noo badbaadiyey, noloshayadana u beddelay oo aanan wax kele sameyn karin inaan qiranno maahee, bogaadinno oon amaanana jiritaankiisa. doodahaas oo dhan midkoona kama daadajin karto cid diiddan iney qirato wax hore isaga muuqda. Ugu dambeyn jirtaankiisu waa inuu ku saleysnaada aaminaad (Hebrews 11:6). rumeynta ilaahay maahaan bootin indha la’aan ah oo mugdi lagu boodayo; waa tilaabo nabad ah oo lagu tilaabsanayo qol/maqsin aad u iftiimaya oo dadka badandoodii horey u joogaan.


Su’aal: Waa kuma Ciise Masiixi?

Jawaab:

Wey ka duwantahay su’aashsa ah: ilaah ma jiraa? Dad yar baa su’aal ka qaba jiritaanka Ciise Masiixi, si baahsan baa loo aaminsanyahay inuu Ciise Masiixi ahaa nin ku socday dhulka Isra’iil 2000 oo sano ka hor. Dooddu waxay bilaabataa markii laga munaaqashoodo mawduuca ku saabsan aqoonsiga Ciise Masiixi. Waxay u badantahay in diimaha waa weyn ay baraan inuu Masiixi ahaa Nabi, ama macallin wanaagsan ama nin ilaahay. Dhibku wuxuu yahay inuu baybalku noo sheegayo inuu Masiixigo ka badnnaa Nabi, macallin wanaagsan, ama nin ilaah.


C.S Lewis buugiisa Masiixinnimo wuxuu qorayaa waxa soo socda: Waxaan isku dayayaa halkan inaan qof kasta kaga baajiyo/celiyo runtii waxa doqonimada ah oo daku ka sheegaan isaga (ciise masiixi): Waxaan u diyaar ahay inaan u aqbalo Masiix sida macallin damiir oo weyn, laakiin ma aqbalayo sheegashadiisa ilaahnimo. Taasi waa hal shay oo ay tahay inaanan dhihin/odhon. Nin ahaa nin uun keliya oo yiri waxyaaluhuu masiixu yiri ma noqonayoo macallin damiir oo weyn. Wuxuu noqonayaa qof aan caadi ahayn/waalan, wuxuuna la dhig ama darajo yahay nin leh wuxuu yahay ukun baqday, dilaacday, hadii kalena wuxuu noqonayaa sheydaankii naarta. Waa inaad kala doorataa nin kani wuxuu ahaa, yahayna wiilkii ilaahay, hadii kale nin waalan ama wax ka xun. Waad isaga xiri kartaa doqon oo kale, candhuuf/calyo baad ku tufi kartaa, una dil sidii shaydaan oo kale, hadii kale ku dhac cagihiisa oo ugu yeer Boqor ama ilaah. Yaanaanse la iman waxyaalo xaqiraad ama jeesjees ah oon qiimo lahayn oo ku saabsan inuu ahaa macallin bani aadama oo weyn. Noogama uusan tagin fursad saas ah oo noo furan, mana uusan damcin


Marka, yuu sheegtay Ciisi inuu yahay? Yuu baybalku sheegay inuu yahay?. Marka hore aan eegnno Kalmadaha/hadalada ciise ee John 10:30, ; Aniga iyo aabuhu waa mid’ daymada u horreysa tani uma eka shegasho ilaahnimo, hase yeeshee eeg jawaabta yahuudda ee kalmadihiisa., ; kuuma dhagaxyeeyneynno sababahaas midnna’’bey ku jawaabeen yahuuddo’ laakin been abuurasho darted, maxaa yeelay adiga oo nin uun/keliya ah waxaad sheegataty ilaahnimo; ; (John 10:33) Waxay yahuudu u garteen hadalka Ciise sheegasho ilaahnimo. Ayadahaan soo socda, ciisi kama sixin yahuudda, mana dhihin/odhan: “Ma sheegan ilaahnimo”. ; Taasina waxey tilmaameysaa inuu Ciise runtii leeyahay ilaahay baan ahay, kuna dhawaaqaya, “ Aniga iyo aabuhu waa mid’ (John 10:30). John 10:58 waa tusaale kale. “ Runtaan idiin sheegayaa,’ buu ciise ku jawaabay, “ intuusa ibrahim dhalan, waan ahay/Anigu!” haddana, jawaaab celin, yahuuddo dhagaxyeey qaateen ayaguu isku dayaya iney dhagaxyeeyaan ciise (John 8:59).


Ku dhaqwaaqidda ciise waxa uu yahay “waan ahay/aniga waa dabbaqaad/dhaqan gelin toos ah testementigii hore uu ahaa magic ilaahay (Exodus3:14) Maxay yahuuddu u doonayaan dhagaxyeeyaan ciise hadane hadii uusan wax ay aaminsanyihiin inay been ka sheeg ilaahay tahay uusan dhihin, oo ah sheegashadiisa ilaahnimo. John 1:1 waxay leedahay kalmaddu waxay ahayd Ilaah. “ John 1:14 “waxey leedahay kalmaddu waxay noqotay hilib/naf” Taasi waxay si cad u tilmaameysaa inuu ciise ilaah yahay nafahaan/hilib ahaan, Thomas taageere wuxuu ku dhahay ciise, ‘Boqorkeygiiyow. Ilaahayahow (john 10: 28) ciisana kama saxin. paulna wuxuu isaga ku sifeeyey; “ ilaaheennii weynaa iyo badbaadiyeheenni” ‘ ciise Masiix” (titus 2; 14)


Xaqiijiye peterna sidaas oo kaluu yiri,” ilaaheenna iyo badbaadiyaheenna “ ciise Masiix (2 peter 1:1) Ilaaha aabaha ahina marag buu ka yahay wuxuu yahay ciise masiix., laakiin wiilka wuxaa ka yiri, Carshigaaga, oo ilaahow wuu jiri/waari weligiis, sax aansho/toosnaani waa ubucda/salka boqortooyadaada. Caddeyntii/markhaatigii hore/duugga ahaa waxay qireysaa ciise oo sheegaya sifihiisa, ‘ Annaga ilmo waa noo dhasheen, Annaga wiil waa nala siiyey, Dawladduna garbihiisey saarnaaneysaa, Waxaana loogu yeeri doonaa la talye cajiib ah, ilaah awood badan, Aabe weligiis jira, amiirkii nabadda” (Isaiah 9:6).


Marka sida uu C.S Lewis ku dooday in ciise loo rumeeyo inuu macallin fiican keliya ahaa maaha wax la ogol yahay, Ciise si cad oon la inkiri Karin buu u sheegay inuu ilaah yahay, Huduusan ilaah ahayn, narka waa beenlow, markaasna nabi maahan, macallin fiican maahan, nin ilaahna maahan, Isku dayo lagu sharraxayo kalmadaha ciise, ayaa aqoonyahanno” Casri” ahi” waxey ku anddacoodeen, Ciisihii runta ahaa oo taarikhiga ahaa ma uusan odhan/dhihin wax badan oo baybalku u tiirinayo. Yaan nahay markaan ka murmeynno hadalkii ilaahay oo khuseysa wuxuu Ciise yiri ama uusan oran/dhihin,. Seebuu aqoon yahan labo kun oo sano ka dambeeyey Ciise uu uga xog ogaal san yahay wuxuu ciise yiri ama uusan oran/dhihin kuwii la noolaaday, la shaqeeyey uuna wax baray ciise laftigiisu (John 14:26)?


Maxay su; aasha waxa uu ahaa ciise ay sidaas aad muhiim ugu tahay? Maxa ku jaban haduu ciise ilaah yahay iyo hadii kale? Sababta ugu muhiimsan inuu ciisi ilaah noqdo waxaa weeye haduusan ilaah ahayn, geeridiisii kuma fillaan lahayn in lagu baxsho dambiyadii dunidoo dhan gashay (1 John 2:2) ilaah keliya ayaa bixin kara ciqaabtaas badan (Romans 5:8; 2 Corinthians 5:21) Ciise waa inuu ilaah yahay, si uu deymankeenna u baxsho, Ciise waa inuu nin yahay si uu u dhinto, Badbaado waxaa lagu helaa ciise masiixi oo la rumeeyo. Sarreyntu/cadamadu waa sababta uu u yahay jidka keliya oo badbaadu lagu heli karo, Ciise sarreynta iyo cadiimnimadiisu waa sababta uu u yiri, “waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha” Qofnna uma iman karo aabaha asagoon aniga I soo marin (John 14:6)