2
Baryadii Yoonis 
 1 Markaasaa Yoonis Rabbigii Ilaahiisa ahaa baryay, isagoo ku dhex jira calooshii kalluunka.  2 Oo wuxuu yidhi, 
Dhibaatadayda aawadeed ayaan Rabbiga ugu yeedhay, 
Isna wuu ii jawaabay. 
Waxaan ka dhex qayliyey She'ool uurkiisa, 
Adna codkaygaad maqashay. 
 3 Waayo, waxaad igu dhex tuurtay moolka iyo badda uurkeeda. 
Hareerahaygana waxaa ku wareegsanaa daad, 
Hirarkaagii iyo mawjadahaagii oo dhammuna way i dul mareen. 
 4 Kolkaasaan idhi, Indhahaaga hortooda waa layga tuuray; 
Welise waxaan mar kale eegayaa macbudkaaga quduuskaa. 
 5 Biyihii way i hareerayeen xataa naftayda, 
Moolkiina wuu igu wareegsanaa; 
Madaxaygana waxaa ku duudduubnaa caws badeed. 
 6 Waxaan hoos ugu dhaadhacay buuraha guntooda; 
Oo weligay waxaa i awday dhulkii iyo gudbayaashiisiiba; 
Laakiinse, Rabbiyow, Ilaahayow, noloshaydii waxaad ka soo bixisay yamayskii. 
 7 Markii naftaydu itaal darnaatay ayaan ku xusuustay, Rabbiyow; 
Oo baryadaydii adigay kuu timid, oo waxay kuugu soo gashay macbudkaaga quduuskaa. 
 8 Kuwa waxyaalaha beenta ah oo aan micne lahayn ku fikiraa 
Waxay ka tagaan naxariistoodii. 
 9 Aniguse codka mahadnaqidda ayaan allabari kuugu bixin doonaa; 
Wixii aan nidrayna waan bixinayaa. 
Badbaado waxaa leh Rabbiga. 
 10 Markaasuu Rabbigu kalluunkii amray, kalluunkiina wuxuu Yoonis ku mantagay berriga.