13
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha. 
 1 Rabbiyow, ilaa goormaad i illoobaysaa? Ma weligaa baa? 
Oo ilaa goormaad wejigaaga iga qarinaysaa? 
 2 Ilaa goormaan naftayda la tashanayaa, 
Anigoo maalinta oo dhan calool xun? 
Ilaa goormuu cadowgaygu iga sarraynayaa? 
 3 Rabbiyow Ilaahayow, waxaas u fiirso, oo ii jawaab, 
Indhahayga iftiimi, yaanan hurdadii geerida seexanine, 
 4 Waaba intaasoo cadowgaygu yidhaahdaa, Anigu isagaan ka adkaaday, 
Oo ay cadaawayaashaydu farxaan markii lay dhaqaajiyo. 
 5 Laakiinse anigu waxaan isku halleeyey naxariistaada, 
Oo qalbigayguna wuxuu ku rayrayn doonaa badbaadintaada. 
 6 Rabbigaan u gabyi doonaa, 
Maxaa yeelay, wax badan oo wanaagsan buu ii sameeyey.