54
Kanu waa gabay Maskiil ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, markii ay reer Sif Saa'uul u yimaadeen oo ay ku yidhaahdeen, Daa'uud miyaanu dhuumasho noo dhex joogin? Waxaana lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah. 
 1 Ilaahow, magacaaga igu badbaadi, 
Oo xooggaaga iigu garsoor. 
 2 Ilaahow, baryadayda maqal, 
Oo erayada afkayga dhegta u dhig, 
 3 Waayo, shisheeyayaal baa igu kacay, 
Oo rag dulmi badan ayaa doonayay inay nafta iga qaadaan, 
Iyagu Ilaah kama fikirin. (Selaah) 
 4 Bal eega, Ilaah waa gargaarahayga, 
Oo Sayidkuna wuxuu la jiraa kuwa naftayda tiiriya. 
 5 Isagu sharka wuxuu ku celin doonaa cadaawayaashayda, 
Iyaga runtaada ku baabbi'i. 
 6 Waxaan kuu qali doonaa qurbaan ikhtiyaar ah, 
Rabbiyow, magacaaga waan ku mahadnaqi doonaa, waayo wuu wanaagsan yahay. 
 7 Waayo, isagu wuxuu iga samatabbixiyey dhibaato oo dhan, 
Oo ishayduna waxay cadaawayaashayda ku aragtay wixii aan doonayay.