137
 1 Waxaannu ag fadhiisannay webiyaashii Baabuloon, 
Oo waannu ooynay markii aannu Siyoon soo xusuusannay. 
 2 Oo waxaannu kataaradahayagii sudhannay geedaha safsaafkaa. 
 3 Waayo, kuwii maxaabiis ahaanta noo watay ayaa halkaas gabayo nagu weyddiistay, 
Oo kuwii na silciyey ayaa farxad na weyddiistay, oo waxay nagu yidhaahdeen, 
Noogu gabya gabayadii Siyoon midkood. 
 4 Bal sidee baannu gabaygii Rabbiga ugu gabaynaa 
Dal qalaad dhexdiis? 
 5 Yeruusaalemay, haddaan ku illoobo, 
Gacantayda midig ha illowdo sancadeedii. 
 6 Carrabkayguna ha ku dhego dhanxanagga afkayga, 
Haddaanan ku xusuusan, 
Iyo haddaanan Yeruusaalem ka sii jeclaan 
Farxaddayda ugu weyn. 
 7 Rabbiyow, soo xusuuso reer Edom, 
Kuwaasoo maalintii Yeruusaalem yidhi, 
Dumiya, dumiya, tan iyo aasaaskeeda. 
 8 Gabadha Baabuloonay, waa lagu baabbi'in doonaa, 
Waxaa faraxsanaan doona kii kaa abaalmariya 
Sidii aad nagu samaysay. 
 9 Waxaa faraxsanaan doona kii dhallaankaaga qabsada 
Oo dhagaxa weyn ku dul tuura.