11
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha. 
 1 Anigu Rabbigaan isku halleeyaa, 
Haddaba idinku sidee baad naftayda ugu tidhaahdaan, 
Sida shimbir oo kale buurtiinnii ku carara? 
 2 Waayo, bal eega, kuwa sharka lahu waxay xoodaan qaansada, 
Fallaadhoodana waxay ku diyaariyaan xadhigga, 
Inay kan qalbiga ka qumman goor gudcur ah ku ganaan. 
 3 Haddii aasaaska la dumiyo, 
Kan xaqa ahu bal muxuu samayn karaa? 
 4 Rabbigu wuxuu ku jiraa macbudkiisa quduuska ah, 
Rabbiga carshigiisu wuxuu yaal samada, 
Indhihiisu way eegaan, oo indhihiisa daboolkooduna way imtixaamaan binu-aadmiga. 
 5 Rabbigu waa tijaabiyaa kii xaq ah, 
Laakiinse kii shar leh iyo kii dulmi jecelba naftiisu way neceb tahay. 
 6 Kuwa shar leh wuxuu ku soo kor daadin doonaa dabinno, 
Oo qaybta koobkooduna waxaa weeye dab iyo baaruud iyo dabayl hanfi ah. 
 7 Waayo, Rabbigu waa xaq, oo isagu xaqnimaduu jecel yahay, 
Kuwa qummanuna wejigiisay arki doonaan.