47
Kanu waa sabuur ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha. 
 1 Dadyowga oo dhammow, kulligiin sacabka tuma, 
Oo Ilaah cod guuleed ugu qayliya. 
 2 Waayo, Rabbiga ah Ilaaha ugu sarreeya waa cabsi miidhan, 
Oo isagu waa boqor weyn oo dhulka oo dhan u taliya. 
 3 Isagu dadyowga wuxuu gelin doonaa hoosteenna, 
Quruumahana wuxuu ka hoos marin doonaa cagaheenna. 
 4 Isagu dhaxalkeenna ayuu inoo dooran doonaa, 
Kaasoo ah ammaanta Yacquub uu jecel yahay. (Selaah) 
 5 Ilaah qaylo buu la kacay, 
Oo wuxuu Rabbiguna la kacay dhawaaqa buunka. 
 6 Ilaah ammaan ugu heesa, ammaan ugu heesa, 
Ammaan ugu heesa Boqorkeenna, ammaan heesa. 
 7 Waayo, Ilaah waa dunida oo dhan Boqorkeeda, 
Haddaba sabuur ammaan ah ku heesa. 
 8 Ilaah wuxuu u taliyaa quruumaha, 
Ilaahna carshigiisa quduuska ah ayuu ku fadhiistaa. 
 9 Dadyowga amiirradoodii oo dhammu waxay isu soo wada urursadeen 
Inay dadka Ilaaha Ibraahim noqdaan, 
Waayo, dhulka gaashaammadiisa waxaa iska leh Ilaah. 
Oo isaga aad iyo aad baa loo sarraysiiyey.