87
Kanu waa sabuur gabay ah oo ay reer Qorax tiriyeen. 
 1 Aasaaskiisu wuxuu ku jiraa buuraha quduuska ah. 
 2 Rabbigu degmooyinka reer Yacquub oo dhan 
Wuxuu ka jecel yahay irdaha Siyoon. 
 3 Magaalada Ilaahay, 
Waxyaalo ammaan badan ayaa lagaa sheegaa. (Selaah) 
 4 Anigu waxaan ka sheekayn doonaa Rahab iyo Baabuloon sidii kuwo i yaqaan, 
Bal eeg, Falastiin, iyo Turos, iyo Itoobiya. 
Midkanu halkaasuu ku dhashay. 
 5 Haah, oo Siyoonna waxaa laga odhan doonaa, Midkan iyo midkaasuba iyaduu ku dhashay, 
Oo Ilaaha ugu sarreeya ayaa iyada dhisi doona. 
 6 Rabbigu wuu tirin doonaa markuu dadka qorayo, 
Midkanu halkaasuu ku dhashay. (Selaah) 
 7 Kuwa gabya iyo kuwa cayaaraaba waxay odhan doonaan, 
Waxaa kugu jira ilahayga oo dhan.