114
 1 Markay reer binu Israa'iil Masar ka soo bexeen, 
Oo ay reerkii Yacquub dad af qalaad ka soo bexeen, 
 2 Ayaa Yahuudah noqday meeshiisa quduuska ah, 
Israa'iilna noqday meeshuu u talinayay. 
 3 Baddii way aragtay, wayna carartay, 
Webi Urdunna dib baa loo celiyey. 
 4 Buurihii waxay u boodboodeen sidii wanan, 
Kurihiina sidii baraar. 
 5 Baddoy, bal maxaa kugu dhacay oo aad u cararaysaa? 
Webi Urdunow, maxaad dib ugu noqonaysaa? 
 6 Buurahow, bal maxaad ugu boodboodaysaan sida wanan? 
Kuraha yaryarow, bal maxaad ugu boodboodaysaan sida baraar? 
 7 Dhulkow, ku gariir Sayidka hortiisa, 
Ilaaha reer Yacquub hortiisa ku gariir, 
 8 Kaas oo dhagaxii u beddelay balli biyo ah, 
Oo dhagaxmadowgiina u beddelay il biyo ah.