128
Gabayga meelokoridda. 
 1 Waxaa barakaysan mid kasta oo Rabbiga ka cabsada, 
Oo jidadkiisa ku socda. 
 2 Waayo, waad cuni doontaa waxa gacmahaagu ku hawshoodeen, 
Waadna farxi doontaa, oo waad barwaaqoobi doontaa. 
 3 Naagtaadu waxay gurigaaga ku dhex ahaan doontaa sida geed canab ah oo midho badan dhala. 
Carruurtaaduna waxay noqon doonaan sida geedo saytuun ah oo miiskaaga ku wareegsan. 
 4 Bal eeg, sidaasuu u barakoobi doonaa 
Ninka Rabbiga ka cabsadaa. 
 5 Rabbigu Siyoon buu kaa barakayn doonaa, 
Oo cimrigaaga oo dhan waxaad arki doontaa wanaagga Yeruusaalem. 
 6 Haah, oo waxaad arki doontaa carruurtaada carruurtooda. 
Reer binu Israa'iil korkooda nabadu ha ahaato.