138
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey. 
 1 Qalbigayga oo dhan ayaan kugu mahadnaqi doonaa, 
Oo ilaahyada hortooda ayaan ammaan kuugu gabyi doonaa, 
 2 Waxaan u soo tukan doonaa macbudkaaga quduuska ah xaggiisa, 
Oo magacaagana waxaan ugu mahadnaqi doonaa raxmaddaada iyo runtaada aawadood, 
Waayo, eraygaaga ayaad ka sii weynaysay magacaaga oo dhan. 
 3 Maalintii aan qayshaday waad ii jawaabtay, 
Waanad igu kalsooni gelisay xooggii aad naftayda u yeeshay. 
 4 Rabbiyow, boqorrada dhulka jooga oo dhammu way kugu mahadnaqi doonaan, 
Waayo, waxay maqlaan erayada afkaaga. 
 5 Haah, way ka gabyi doonaan jidadka Rabbiga, 
Waayo, ammaanta Rabbigu waa weyn tahay. 
 6 Waayo, in kastoo Rabbigu sarreeyo, haddana wuu fiiriyaa kuwa hooseeya, 
Laakiinse kan kibra meel fog buu ka yaqaan. 
 7 In kastoo aan ku dhex socdo dhibaato waad i soo noolayn doontaa, 
Oo waxaad gacantaada ku soo fidin doontaa cadhada cadaawayaashayda, 
Oo gacantaada midigna way i badbaadin doontaa. 
 8 Rabbigaa kaamil ka dhigi doona waxa igu saabsan, 
Rabbiyow, naxariistaadu weligeedba way sii waartaa, 
Ha ka tegin shuqulladii gacmahaaga.