3
 1 Goor habeennimo ah ayaan sariirtayda ka doondoonay kan naftaydu jeceshahay. 
Waan doondoonay, laakiinse ma aanan helin. 
 2 Haddaba waan kacayaa, oo magaaladaan dhex wareegayaa, 
Oo dariiqyada iyo jidadka waaweyn 
Ayaan ka dhex goobayaa kan naftaydu jeceshahay. 
Waan doondoonay laakiinse ma aanan helin. 
 3 Waxaa i helay waardiyayaashii magaalada dhex warwareegayay, 
Oo anna waxaan ku idhi, Kan naftaydu jeceshahay ma aragteen? 
 4 Oo kolkaan iyagii in yar sii dhaafay 
Ayaan helay kii naftaydu jeceshahay. 
Waan qabtay, mana sii dayn, 
Ilaa aan isaga gurigii hooyaday keenay, 
Oo aan qolladdii tii i uuraysatay geliyey. 
 5 Gabdhaha reer Yeruusaalemow, waxaan idinku dhaarinayaa 
Cawsha iyo deerada duurka 
Inaydaan jacayl kicin ama aydaan toosin 
Ilaa uu doono. 
 6 Waa kuma kan cidlada uga soo baxaya sida tiirar qiiq ah? 
Oo ay malmalka, iyo fooxa, 
Iyo dhirta udgoon ee baayacmushtariga oo dhammu ka carfayaan? 
 7 Bal eeg, waa sariirta Sulaymaan lagu qaadee. 
Lixdan nin oo xoog badan oo ka mid ah kuwa xoogga badan ee reer binu Israa'iil 
Ayaa hareereheeda ku wareegsan. 
 8 Kulligood seefta aad bay u yaqaaniin, waana wada dagaalyahan. 
Ninkood kastaba seeftiisii dhexday ugu xidhan tahay, 
Cabsida habeenka aawadeed. 
 9 Boqor Sulaymaan wuxuu kursi la qaado 
Ka samaystay qoryihii Lubnaan. 
 10 Tiirarkiisii lacag buu ka dhigay, 
Hoostiisiina dahab buu ka dhigay, oo meeshuu fadhiistayna guduud buu ka dhigay, 
Oo dhexdiisiina gabdhaha reer Yeruusaalem ayaa jacayl ku sharraxay. 
 11 Gabdhaha reer Siyoonow, bal baxa, oo Boqor Sulaymaan eega, 
Isagoo qaba taajkii hooyadiis madaxa u saartay maalintii arooskiisa, 
Iyo maalintii qalbigiisu faraxsanaa.