100
Kanu waa sabuur mahadnaqid ah. 
 1 Inta dhulka deggan oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya. 
 2 Rabbiga farxad ugu adeega, 
Oo hortiisa gabay la kaalaya. 
 3 Ogaada in Rabbigu Ilaah yahay, 
Waxaa ina sameeyey isaga, oo waxaynu nahay kuwiisii, 
Waxaynu nahay dadkiisii iyo idihii daaqsintiisa. 
 4 Irdihiisa mahadnaqid la gala, 
Barxadihiisana ammaan. 
Isaga u mahadnaqa, oo magiciisa ammaana. 
 5 Waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay, naxariistiisuna weligeed way sii waartaa, 
Aaminnimadiisuna tan iyo ka ab ka ab.