120
Gabayga meelokoridda. 
 1 Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga u qayshaday, 
Oo isna wuu ii jawaabay. 
 2 Rabbiyow, naftayda ka samatabbixi bushimo been sheega, 
Iyo carrab khiyaano badan. 
 3 Carrabka khiyaanada badanow, bal maxaa lagu siin doonaa? 
Oo maxaa kaloo laguu samayn doonaa? 
 4 Adoo ah sida ku xoog badan oo fallaadhihiisa afaysan, 
Kuwaas oo wata dhuxulo geed rotem la yidhaahdo. 
 5 Anaa hoogay, waayo, Mesheg baan qariib ku noqday, 
Oo waxaan dhex degay teendhooyinkii Qedaar! 
 6 Naftaydu waxay wakhti dheer la degganayd 
Mid nabadda neceb. 
 7 Waxaan ahay mid nabad jecel, 
Laakiinse kolkii aan hadlo, iyagu waa kuwa dagaal jecel.