Gabayga meelokoridda oo Daa'uud tiriyey.
1Waan farxay markay igu yidhaahdeen,
Ina keena, aan guriga Rabbiga tagnee.
2Yeruusaalemay, cagahayagu
Waxay taagan yihiin irdahaaga gudahooda,
3Yeruusaalem waxaa loo dhisay
Sida magaalo isku wada dheggan,
4Halkaasay qabiilooyinka, oo ah qabiilooyinka Rabbigu kor ugu baxaan
Inay Israa'iil u marag furaan,
Iyo inay magaca Rabbiga ku mahadnaqaan.
5Waayo, waxaa yaalla carshiyo garsoorid loo dhigay,
Waana carshiyadii reerka Daa'uud.
6Yeruusaalem nabad ugu duceeya.
Kuwa ku jecelu way barwaaqoobi doonaan.
7Nabadu ha ku jirto derbiyadaada gudahooda,
Barwaaqona ha ku jirto daarahaaga dhaadheer.
8Walaalahay iyo rafiiqyadayda daraaddood
Ayaan hadda waxaan odhanayaa, Nabadu gudahaaga ha ku jirto.
9Rabbiga Ilaahayaga gurigiisa daraaddiis
Ayaan wanaaggaaga u doondooni doonaa.