98
Sabuur 
 1 Rabbiga gabay cusub ugu gabya, 
Waayo, isagu wuxuu sameeyey waxyaalo yaab badan, 
Gacantiisa midig iyo dhudhunkiisa quduuska ahuna waxay keeneen badbaado. 
 2 Rabbigu wuxuu dadka ogeysiiyey badbaadadiisii, 
Oo xaqnimadiisiina wuxuu bayaan ugu muujiyey quruumaha hortooda. 
 3 Oo wuxuu soo xusuustay naxariistiisii iyo aaminnimadiisii uu u qabay reerka binu Israa'iil, 
Dadka dhulka darfihiisa jooga oo dhammu way wada arkeen badbaadinta Ilaaheenna. 
 4 Inta dhulka joogta oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya, 
Dhawaaqa, oo farxad ku gabya, oo ammaan ku gabya. 
 5 Rabbiga ammaan ugu gabya idinkoo kataarad haysta, 
Kataarad iyo codka heeska ugu gabya. 
 6 Boqorka Rabbiga ah hortiisa farxad kaga dhawaajiya 
Turumbooyin iyo buunan. 
 7 Badda iyo waxa ka buuxaaba ha guuxeen, 
Dunida iyo kuwa dhex deggan oo dhammuna ha dhawaaqeen, 
 8 Webiyadu ha sacbiyeen, 
Oo buuruhuna dhammaantood farxad ha kaga gabyeen Rabbiga hortiisa, 
 9 Waayo, isagu wuxuu u imanayaa inuu dhulka xukumo, 
Wuxuu dunida ku xukumi doonaa xaqnimo, 
Dadyowgana caddaalad.