99
 1 Rabbigu isagaa taliya, dadyowgu ha gariireen, 
Isagu wuxuu ku fadhiyaa keruubiimta, dhulku ha dhaqdhaqaaqo. 
 2 Rabbigu Siyoon dhexdeeda waa ku weyn yahay, 
Oo dadyowga oo dhanna wuu ka wada sarreeyaa. 
 3 Iyagu ha ammaaneen magacaaga weyn oo laga cabsado, 
Isagu waa quduus. 
 4 Oo weliba boqorka xooggiisu wuxuu jecel yahay garsoorid, 
Caddaalad baad adkaysaa, 
Garsoorid iyo xaqnimo baad u samaysaa reer Yacquub. 
 5 Rabbiga Ilaaheenna ah sarraysiiya, 
Oo meeshuu cagaha saartona ku sujuuda, 
Isagu waa quduus. 
 6 Muuse iyo Haaruun waxay ka mid ahaayeen wadaaddadiisa, 
Samuu'eelna wuxuu ka mid ahaa kuwa magiciisa u yeedha, 
Iyagu waxay baryeen Rabbiga, oo isna wuu u jawaabay. 
 7 Wuxuu iyagii kala dhex hadlay tiirkii daruurta ahaa, 
Iyana waxay xajiyeen markhaatifurkiisii iyo qaynuunkii uu iyaga siiyey. 
 8 Rabbiyow Ilaahayagiiyow, waad u jawaabtay, 
Oo waxaad ahayd Ilaah iyaga cafiyey, 
In kastoo aad falimahoodii ka aargoosatay. 
 9 Rabbiga Ilaaheenna ah sarraysiiya, 
Oo isaga ku caabuda buurtiisa quduuska ah, 
Waayo, Rabbiga Ilaaheenna ahu waa quduus.